Somali Airforce History

 Ciidamada Cirka Soomaaliya

Ciidamadii Cirka Soomaaliya

Halkaan ka akhri

Arooryo Suuban Saaxiibayaal

Saaxiibadii ay masiibooyinka waayaha adduunku nakala firdhiyeenow, saaxiibadii sharafta iyo qaderinta iga mudnaayow, saaxiibadii aan xiriirka birta ah lahaynow, saaxiibadii midba midka kale naftiisa u hurijirow, saaxiibadii muddada dheer usoo kifaaxay kobcinta iyo dhisidda ciidankow, saaxiibadii waqtigi noloshooda ugu qiimaha badnayd ciidanka ku tabarrucow, saaxiibadii heeganka u ahaan jiray difaaca xoriyadda iyo haybadda qarankow, saaxiibadii waranka caaraddiisa iyo gaashaanka adag ciidanka u ahaan jirow, saaxiibadii lafdhabarka lamaloodiyaanka ciidanka u ahaan jirow, saaxiibadii aan xataa hurdada ku ledijirin oo hal il ku soo jeedi jiray darteed difaaca iyo ammaangelinta hawada dalkow, saaxiibadii aan waxqabadkoodi cidi dafirikarinow, saaxiibadii aysan wali ka go’in xanafti iyo xaaddi dareenka waddan jacaylkow, saaxiibadii aan cabashada iyo cabsida aqoonow, munaaradi horseedka ciidankow, naftooda hurayaashi dhiigooda qaaliga ah u daadiyay dalkow, hargaantiyadi (hunters) aan goonibaarka (target) cadawga lagefi jirinow, surun-gooyeyaashii (interceptors) diyaaradaha cadawga ciideenna ka caajiyow, cududdi aan waligeed cudurka kansarkaa ee qabiilku saamaynow, waxgaradkii iyo waayeelki ciidankow, khaubaradii iyo ab’ogaagi ciidankow, waxaa farxad weyn ii ah, maanta oo ah 15 Febaraayo, kuna beegan sannad guuradii 47aad ee ka soo wareegtay maalintii la aasaasay ciidanka cirka Soomaaliyeed, walow aniga iyo aasaaseyaashi badankooda ay u tahay 50 guuradii bisha soo socota ee Noofembar iyo halka ay kuwa kalna u tahay sida Faytaan 55 guuradii, inaan munaasabaddaan qaayaha iyo qiimaha badan darteed idiin soo gudbiyo dhammaantiin, xaasaskiina, carruurtiinna iyo faraca carruurtiinnaba, salaam kal iyo lab ah, hambalyo iyo bogaadin diiran xagal kasta oo aad maanta dalka iyo shanta qaaraddood daafahooda uga nooshihiin.

Ilaahay aan kawada barino inuu naga dhigo kuwii ku wada kulma waadiga jannada, marxuumiintii u dhimatay ayagoo waajibkoodi gudanaya iyo kuwii bas u dhintayba ka waraabiyo jannadii firdowsa . Aamiin

Waxaan hambalyo khaas ah u diraa ruugcadaaga duuliye sare Max’ud Cabdullaahi Barre (Faytaan) iyo xaaskiisa oo ka nool shanti duuliye ee C.C. wax ka aasaastay, laysinka duulimaadka diyaaradahana qaatay 1954tii kuna duulay diyaarado wadartoodu kor u dhaaftay 15 oo isugu jiray mileteri iyo rayid. Faytaan waa duuliyihii ugu horreeyay ee dalka Masar kusoo duulay 1961dii diyaarad dagaal oo jeet ah noocii ugu horreeyay ee ciidankeenna 1963dii salab looga dhigay.Max’ud Cabdullaahi wuxuu kale oo uu dhidibbada wax uga aasay shirkaddii Soomaali Airlines oo uu duuliye ka ahaa 1964 ilaa 1990kii. Waxaan hambalyo taas la mid ah u diraa Duuliyeyaashi, Injineeradi iyo Farsamayaqanadii “Shirkaddii haybadda qaranka Soomaaliyeed” ee Soomaali Airlines iyo garabka diyaaradaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo labaduba badankoodu ka soo farcamay C. Cirka Soomaaliyeed.

bSidoo kale, waxaan hambalyo hawada u marinaa duuliye Asli Xasan Cabaade oo colaaddi sokeeye shirkii dib u heshiisiintii ee  2000  lagu qabtay magaalada Caarte ee  dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti  ku caan baxday (Asli calansida) oo ah gabadha qura ee duuliye ahayd ee berisamaadkii na faraxday (tarraxday) oo aan weli si gaar ah ugu xasuusto dadaalkeedi dheeraadka ahaa ee ay ku muujisay in gabadha Soomaaliyeed aysan wiilka ka gaabin iyo guubaabadeedi waddaninnimadu ku dheehnayd ee ay had iyo jeer  shucuurteenna iyo niyaddeenna  sare ugu qaadi jirtay.

Munaasabaddaas darteed waxaan aaladda shabakadaha interneedka idin kugu soo gudbinaa dhacdadi taariikhiga ahayd ee 15 Febaraayo 1960kii oo kooban iyo dhowr sawir oo guud ahaan xambaarsan xasuus taariikheedki Ciidankeenna haba ugu badnaadeene waagii ciidanku gurguuranayey, waqtigii uu saanqaadka billaabay iyo goortii uu foodda la galay qaangaarnimada.

Sawiradaas oo aan ku dhitayn jiray 1957 ilaa 1988 galsawireed (album) aan ku magacaabay (Askunkii C.C.),  galna uga sii  dhigay  (asbestos) dharka aan guban sida kan ay xirtaan dab-damiyeyaashu  goortay  dab bakhtiinayaan oo aan dhulka  ku duugay muddadii u dhaxeysay ( 05/01/ 1991 ilaa 29/11/ 1996dii) si aysan u dabar go’in qaybta yar ee aan ka hayay xasuustii iyo raadki taariikhdii C.Cirka   oo nasiib wanaag sayixii iyo suyucii qoyaanka roobabku keeneen sawiro badan oo muhim ah ay  ku bololeen  kuwo kalena ku  qayirmeen, walow badankoodi  qaddar Alle  uga samatabaxeen, roobkii, duqaynti, burburki iyo ololki dambaaburaha  balbalaayay watay ee dagaalladi sokeeye ee aan sumcadda, guusha iyo geesiga lahayn balse baabi’iyay raad kasta taariikhdii  dhaxalgaka ahayd ee ciidamadeennii qalabka siday iyo guud ahaan tii dalkoo dhan iyo sawiro kale oo laga soo qaaday xarunti C.Cirka dagaalladii sokeeye ka dib.

Intii taqiinay xeradaas markay arkaan indhahooda ilmo kusoo joogsanayso. kuna abuuraya, fajac, murugo, tiiraanyo, qarracan iyo muraaredillaac sida arxanka daran ee waxmagaratadii jadbaysneyd, hawtalhamagii wayraxsanaay, galtimacruufkii xayraansanay, mooryaanti hororka iyo maciin-laaweyaasha ahaay ee xagal kastee dakeenna  ka soo xarkagoosatay  kuna caanka baxay wax burburinta, boobka, biliqada hantida qaranka iyo tan dadweeynaha  oo  sida majixin-jixenimada iyo naxariis la’aantu  ku dheehan tahay cidkasta u warjeefay ayagoon  u kala aabbeyeelin dumar, caruur iyo ciroolaba, dabaqadkastana ku abuuray qax iyo hayaan, cabsi iyo kurbo, walawal iyo walbahaar maguuraan ah. Saqajaantii iyo dowdarradi baydadsanaay ee waxwalba caynbeel ka dhigay, sanjidhaankii iyo surungooyeyaashi aan sariigta iyo damiirka lahayn, qawleysatadii iyo dibjirkii kadhigay wixii hal  qarni lagu dhisay hal bacad lagu lisay, daadufyadii dugaafad joogga ahaa, haadunkii iyo silic-kunoolkii aan waxba saluugayn ee xataa birqaabkii iyo dabqaadki aan qoysna u reebin, fallaagadii iyo waxshiyiintii aan naxariista iyo damqashada lahayn  ee xataa u feentay sidii diiratadii, ayaxii, iyo aboorkii kana dhigay galgelin bannaan iyo birqanax hangarradi qaadiimka iyo qaaliga badnaay oo berisamaadkii diyaaradaha lagu xerayn jiray iyo dhismayaashi bilicdooda lagu indha darandari jiray ee ku yiil xeradii Afiyasiyoone ee la dhisay sannadkii 1929kii, lana cusbooneysiiyay sannadihii 1943dii (Ingriiska) 1950kii(Talyaaniga) 1962dii, 1975kii (Soomaalida) iyo 1994tii (UNISOM).

15 Feberaayo ma ahayn mid ku timid oo kaliya (decreto) go’aan madaxweyne ee waxay ahayd mid ku timid maalin naga mudnayd xasuus iyo xushmo gaar ah oo aan codsanay inay noo noqoto munaasabad aan u damaashaadno. Xaqiiqadii, isir ahaan C.Cirka unuggiisu wuxuu ka soo farcamay kontamaadki ciidanki Talyaanigu u qortay inay ilaaliyaan ammaankooda iyo kan qalabka dagaalkay wateenba.

Ilaa iyo laga soo gaaray maalinta aan u dabaaldegayno, ciidankaasi nasiib uma helin in loo carbiyo (crew) shaqaale duulin karay diyaarad xamuul qaada. Haddaba, ciidan kasta oo maanta dunida kajira wuxuu leeyahay maalin maalmaha kale uga duwan, maalin xasuus gaar ah u leh, annaga teennu waa 15 Febaraayo, waa maalin naga mudan qadarin iyo xasuus  gaar ah, waa maalin inta nolosheenna ka dhiman aan xasuusteenna ka go’ayn, waa maalitii riyadeenni rumowday, waa maalintii aan ku dhiiranay inaan fulino hawl dhib iyo masuuliyad badan, waa maalintii noo horseeday iskaashi iyo iskuduubnaan, waa maalintii noo horkacday horumar iyo guul la taaban karo, waa maalintii ciidankeennu isla helay laf dhuux leh iyo laba dhagax, waa maaltii afaraad oo C.C.  ula mid ahayd farxadihii 26 Juun, 1da Luuliyo 1960kii iyo 27 Juun 1975, waa maalintii aan xor u noqonay inaan  kaligeen  ku qaalmarogano, ku gadgaddoono  hawada saree udugga badan ee dalkeenna iyo cirka buluugaa ee calamkeenna u eg oo aan hoostiisa ku caweeyno, isku rogrogno,  kuna dhigno dhollatus iyo damaashaad farxad iyo rayn rayn ka buuxdo, waa maalintii ugu horreysay ee (crew) saraakiil wada Soomaali ah oo ka kooban laba duuliye iyo saddex farsameyaqaan ay kaligood ku duuleen diyaarad labo matoorey ah oo nooceedu ahaa Douglas C-47 Dakota ( sky train) ama DC-3 Dakota lambarkeeduna ahaa “Boso5”. Waxaan lahayn labo diy/dood oo Boso5 ku nooc ahaa oo maalintaas lagu hawl gali karay, hase yeeshee aan ka doorbidnay Boso5 maadaama maalintaas aan ku ballansanayn inaan kaligeen u madaxbanaanaano   duulitaanka hawada saree dalkeenna sida shimbirka cirsankayeerka oo tirada shanta ahna noogu taagnaato xasuusta xanuunka badan ee shanta qaybood oo isticmaarku dalkeenna u qaybshay halka “Boso” macnaheedu ahaay Boosaaso oo la soo gaabshay.

Astaamaha u gaarka ah diyaaradda Dakootada

Qaadka diyaaradda

=

2duuliye iyo 30 rakaab ah

Mugga haamaha shidaalka

=

804 gallon ama 3047 lit.

Xawaaraha ugu badan

=

360km/saacaddii

Xawaaraha ayadoo la tixgelinayo nabadgelyada iyo tashiilka shidaalka

=

270-280km/saacaddii

Fogaanta ay gaari kartay haamaha Shhidaalkoo u buuxa

=

2400km

Baaca baalasha

=

29.11m

Dhererka diyaaradda

=

19.41m

Joogga diyaaradda

=

5.18m

Culayska qalfoofka diy/dda

=

8256kg

Shixnadda ay qaadi kartay

=

4500kg

Dhacdadii maalintaas diyaaraddu intaysan duulin.

Taliyihii xeeldheereyaashi C.cirka Tayaaniga u fadhiyay Soomaailiya Gashanle sare duuliye Roosaati, wuxuu hadallo isugu jiray sarbeeb, dulmar, kaftan, waano, guubaabo, hoga-tusaalayn, iyo digniin nagu yiri sidaan: waagii aan tababarada idiin diraranay 1957 iyo 1959kii, waxaan idinku soo xulnay aqoon iyo caafimaad ee ka feejignaada inaad ciidanka dhex keentaan kuna maamushaan dhaqanka sirgixan ee aad hiddaha u leedihiin ee ah qabiilka. Haddii aad dhaqankaas guracan ku shaqaysaan waxaa hubaal ah inaad xaquuqdooda duudsiinaysaan budulkana uga tegeeysaan geesiyaal fara badan oo indhahooda aan mudac marin oo ciidanka iyo qarankaba guul iyo sharaf u soo hoynkara. Waa inaad isku tixgelisaan aqoonta iyo kartida, daacadda iyo wax qabadka, waana inaad waqtigaad nabadda iyo barwaaqada ku jirtaan dhididka daadisaan si aydaan dhiig u daadina waqtiga dagaalka. Adinka ayaa hal naxash kuwada duula (diyaarad), oo nimba ninka kale shaqadiisu ay ku xirantahay kan kale noloshiisa iyo tan dadweynaha rayid ah ee idin soo miciin bida inaad geysaan goballadooda ee dhan walba iska-kaashada.

Qabiil qaran ma dhiso, wuxuu dumiyo mooyee wuxuu dhiso lama arag, garaadka iyo socodka taariikhdana laguma hayo xataa yurub oo soo martay marxalado iyo tijaabooyin kastoo qallafsan oo haddii qabiilku leeyahay waxtar iyo nafci u samayn lahaa dalalkooda ciidamo qabiil oo diyaarado ku dagaallama. Qabiilku ma yaqaan xaqsoornimo, dhexdhexaad iyo cadaalad, dhaqankiisu waa eex iyo godob, quursi iyo xaqiraad, aflagaado iyo meelkadhac, qab weeyni iyo anngaa idinka mudan, waa ka caagan yahay wax u qabashada bulshada iyo horumarkeeda, kuma dhaqamo diin, malaha disibiliin iyo asluub, qaanuun iyo ciqaab lagu kaladambeeyo, waa sharci diid shaciga iyo qaanuunka  la col ah, waxaa ku awr kacsada jaahilka aan iskufillayn, waa mug’di madow, waa gabbaadka jahliga iyo duurgoota, xeerka iyo sharcigiisu waa kan dugaagga oo midba midkuu ka xoog badanyahay cuna

Ciidankii habdhaqankaas qaabkadaran lagu maamulo haddii xabbad cadaw lagu soo rido wuxuu u kala firdhadaa sidii dab dhagax lagu dhuftay, wuxuuna dhaxalsiiya, horumar, tayo iyo guul la’aan, sidoo kale wuxuu ku waaraa khilaaf iyo iska horimaad joogto ah, asluub iyo is-haysi la’aan, iskashi iyo qiiro wadaninnimo la’aan, niyad jab iyo tafaraaruq, burbur iyo jahawareer, shil iyo shar joogta ah.

Cimrigiinoo raaga wuxuu idintusaa dhibaatada fooshaxun iyo aragtixumada uu leeyahay markuu jahliga qabiilku idiin adeego (waadna arki d…). Haddii….

wHaddaba waa taas diyaaraddi  aad maanta ku duuli lahaydeen, annagu idinlama socono maanta ee diyaaradda u dhaqaalaysta sidaad geela u dhaqataan, hase yeeshee uga taxaddara sida isha saxarka looga dhowro, asagoo taas uga gollahaa siday iyagu noo bareen in diyaarad loogu dhaqmo iyo gaar ahaan sida loo xannaaneeyo.

Ogaada in diyaaraddi u dhici karto dhowr kg oo siyaado ah iyo khalad yar oo ku yimaada isku-hallayn iyo isku-kalsoonaan. Waxaad ciidan u tihiin dal curdan ah oo dhawaan gobanimadiisa qaadan doona ee haddi yoolka mustaqbalkiinna gudcur hareeyo, wax u qabadka dalkiinna ha ku tallamina ee u dulqaata daacadna u noqda madaxdiisa. Waxaa idin soo maridoona marxalado qallafsan oo dhib iyo qahar badan oo badanaa ku yimaada maamulxumo, talisxumo iyo waaya arag la’aan oo aydaan maanta saadaalin karina ee si sahal ah ha u raja beelina, ka baaraan dega, kana dhur suga, waaya joognimadiinna iyo daacadnimadiinna ayaa tartiib tartiib u xallin doontee